Cabasho Adeega mudnaan-Somnet
Sharaxaadda Cabashada
Cabasho aan ka muujinaayo Adeega Mudnaan ee Shirkadda Somnet Anigoo ka mid ah Resellers-ka (Daatooley) shirkadda Somnet waxaan jeclaan laha inaan si xushmad leh idiin kugusoo gudbiyo cabasho iyo walaac ku saabsan isbeddelka cusub ee adeegyada shirkadda (Mudnaan) Muddo dheer waxaan si firfircoon uga shaqaynaynay iibinta adeegga shirkada waxaana ku bixinaynay waqti, dadaal iyo kharash si aan u kasbanno una ilaalino macaamiisha adeeggyada Taasi waxay ahayd il dakhli oo muhiim ah annaga iyo shirkaddaba. Si kastaba ha ahaatee markii la soo bandhigay adeegga cusub ee Mudnaan oo leh adeeg la mid ah kii Maqsuud balse qiimihiisu ka jaban yahay isla markaana macaamiishu si toos ah uga iibsan karaan shirkadda halka Resellers-ku aysan iibin karin waxaa si weyn u saameeysay ganacsigeennii (Reseller ka ahaa). Macaamiishii aan sannadaha badan soo dhisnay waxay u wareegeen adeegga Mudnaan maadaama uu ka qiimo jaban yahay taasoo sababtay in iibkeennii si weyn hoos ugu dhaco. Arrintani waxay Resellers badan gelisay xaalad adag maadaama aan luminay qayb weyn oo ka mid ah macaamiishii iyo dakhligii aan ku tiirsanayn. Sidaas darteed waxaan maamulka ka codsaneynaa inay dib u eegaan arrintan ayna tixgeliyaan cabashsada iyo baahiyaha Resellers-ka oo door weyn ka qaatay kobcinta adeegyada shirkadda Somnet Waxaan soo jeedinaayanaa in: 1. Resellers-ka loo oggolaado iibinta adeegga Mudnaan. 2. Ama qiimo dhimis lagu sameeyo adeegii Hore ee maqsuud si lamid ah Adeega maamuus. 3. In la helo xal ilaalinaya macaamiishii ay Resellers-ku soo dhiseen si aysan si toos ah uga lumin. Waxaan rajaynaynaa in maamulka shirkaddu si wanaagsan u tixgelin doono cabashadeena una heli doono xal caddaalad u ah dhammaan dhinacyada (Shirkada iyo Resellerska). Mahadsanidiin. Abdullahi Hassan Mohamed Xubin kamida Resellars-ka Somnet Milkiilaha Raqiib Data
Faallada Dadweynaha
Axmex maxamed caliXubinJun 15, 2026Aad iyo aad