Guide

Xuquuqda Daatooleyda

Xuquuqda aasaasiga ah ee daatooleyda iyo data resellers-ka Soomaaliyeed leeyihiin marka ay la shaqeeyaan telecom providers-ka.

Ururka Daatooleyda Soomaaliyeed wuxuu u taagan yahay ilaalinta xuquuqda daatooleyda iyo horumarinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo shirkadaha telecom-ka.

Xuquuqda guud

In lagu siiyo qiimo iyo shuruudo cad oo aan si kadis ah loo bedelin iyada oo aan hore loo ogeysiin.

In taageero (support) la helo waqti ku habboon marka dhibaato soo gashato.

In cabasho lagu gudbiyo hab rasmi ah, oo laga jawaabo waqti la cayimay gudahiisa.

In laysku daraan (collective voice) marka arrimo waaweyn ay saameeyaan daatooleyda guud ahaan.

Sida Ururku u caawiyo

All Agents Data waxay u dhaqantaa sida cod-wadareed daatooleyda, iyagoo mediateeya cabashooyinka rasmiga ah oo la xiriira providers-ka, kuna baaqaya sicir-bararka aan caddeyn lahayn ama xadgudubyada kale.