Est. 2024

Ururka Daatooleyda Soomaaliyeed

Cod-wadareedka daatooleyda Soomaaliyeed — mediation rasmi ah, xubinnimo, iyo shabakad ganacsi.

Ururka Daatooleyda Soomaaliyeed — oo si rasmi ah loogu yaqaan All Agents Data — waa urur xubno u leh oo u taagan daatooleyda iyo data resellers-ka ka shaqeeya warshadaha telecom-ka Soomaaliya. Ururku wuxuu u dhaqmaa sida cod-wadareed marka arrimo ay saameeyaan daatooleyda guud ahaan.

Adeegyada ugu waaweyn ee ururku bixiyo waxaa ka mid ah: mediation cabashooyin rasmi ah oo la xiriira telecom providers-ka (Hormuud, Somtel, Somnet, Amtel, Somlink iyo kuwo kale), dukumentiyo iyo rate cards xubnaha loogu talagalay, iyo shabakad ay daatooleydu isugu xirmaan.